TOP NEWS:-Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo bilaabay Qorshe Cusub.

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid “Saacid” ayaa bilaabay howlo cusub oo uu ku ilaalsanaayo shaqada uu u hayo dowlada Federaalka.

Taliyaha oo maalmahaani la hadlayo in lagu sameynaayo xil ka qaadis isla markaana lagu bedeli doono Taliyihii hore ee NISA Jeneral Bashiir Goobe, ayaa iminka bilaabay in magaalada Muqdisho uu ka uruuriyo dadka aan caafimaadka qabin.

Taliyaha ayaa uruurinta dadka madaxa loogu jiro u xilsaaray Gaadiid iyo ciidamo gaara oo isku howla qabashadooda.

Ciidamada oo fulinaaya amarka Taliyaha Booliska ayaa dadkaasi madaxa loogu jira ku uruurinaaya Xarumo gaara, si looga nasiyo duruufaha ku heysta waddooyinka muqdisho oo ay ku noolyihiin.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa qeyb ka ah howlgalka lagu uruurinaaya dadka madaxa loogu jiro.