DHAGEYSO:-Dowladda oo ka hadashay Sababta Miisaaniyadda Xukumadda loogu soo dari Waayay Maamulka Somaliland

0

Wasiirka Wasaaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo Faahfaahin ka bixiyay Sababta Somaliland looga reebay Miisaaniyad sanadeedka sanadkaan ayaa waxaa uu sheegay in Miisaniyadda dowladda hadda ay quseyso dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sheegay Wasiir Beyle in Somaliland iyo Soomaaliya uu u socdo wadahadal ,islamarkaana markii ay soo dhamaadaan lagu soo dari doono miisaaniyadda dowladda.

Waxaa uu tilmaamay in Somaliland  Miisaaniyadda dowladda lagu soo daro in ay qaadanayso waqti dheer.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay doonayso in marka ugu horeysa laga heshiiyo Siyaasadda.

Dowladda Soomaaliya ayuu xusay in ay dadaal dheer ku bixin doonto sidii loo mideyn lahaa Canshuuraha dalka.

 

HOOS KA DHAGEYSO