DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo doodii Miisaaniyadda 2017.

0

Ajandaha kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wuxuu shalay ka koobnaa Saddex Ajande oo kala ahaa Akhrinta Dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkaan 2017-ka, Akhrinta Xisaabxirka Sanadihii 2015-2016 iyo Qaybinta Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka.

Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rixmaan Ducaale Bayle ayaa wuxuu xubnaha Golaha Shacabka u sharacay Isbadalka Miisaanada ee Sanadkaan iyo waxyaabihii ay sanadkii hore kaga duwantahay, wuxuuna sheegay in sanadkaan uu jiro isbadal badan oo ku yimid dadaalka ay dowladdu samaysay.

Qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Shacabka ayaa su’aalo ka waydiiyay Miisaaniyadda Wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda, iyadoo dooda ugu badan ay ka dhalatay Qoondada Ciidanka Soomaaliyeed iyo Dowlad Gobaleedyada ee ku xusan Miisaaniyadda ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda.

Ugu Danbayntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xiray ayaa sheegay Miisaaniyadda uu soo gudbiyay wasiirka Maaliyadda uu la wareegay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, kaas oo marka uu soo Akhriso dib ugu soo celin doona Golaha.

Wadarta guud ee Miisaaniyadda oo ay gudbisay wasaaradda Maaliyadda ayaa ah, US$ 246,018,876.

HOOS KA DHAGEYSO