DHAGEYSO:- Taliyihi Ciidamada Dawladda ee Degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay oo la dilay.

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Qansaxdheere ayaa waxa ay sheegayaan in Taliyihii Ciidamada Milateriga ee degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay lagu dilay qarax miino oo lala eegtay gaari uu saarnaa.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Taliyahan oo lagu magacaabayay Col. Cumar Macalin Xasan, waxaana dilkiisa uu ka dambeeyay markii miino wadada dhinaceeda la dhigay lala eegtay gaarigii uu saarnaa.

Qaraxa lala eegtay gaariga Taliyaha ayaa waxaa daba socotay weerar ay koox ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen kolonyada uu la socday Taliyaha.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha iyo kolonyada uu la socday jidka loo galay, inta u dhaxeysa degmada Qansaxdheere iyo garoonka diyaaradaha degmadaas.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka Taliyaha iyo labo askari, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera.

Isku soo wada duuboo Degmada Qansaxdheere ayaa ka mid ah degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab, iyagoo jaray waddooyin gala degmadaas, waxaana degmadaas ay sahayda iyo saanada ciidanba ku tagtaa diyaarad.

HOOS KA DHAGEYSO