DAAWO:- Wasiirka Maaliyada DFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Xildhibaanada Baarlamaanka uga jawaabay su’aalo la xiriira Miisaaniyadda 2017…

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu shalay hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya si uu uga jawaabo su’aalo la xiriira Miisaaniyadda oo maalmo ka hor loo gudbiyey Baarlamaanka.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Miisaaniyadda 2017 oo ah 6 bilood ee sanadkan waxaana ay gaareysa 267 milyan oo Dollarka Maraykanka ah. Lacagtan ayaa in ku dhaw kala bar waxaa laga filayaa deeq bixiyaashu in ay ku kabaan miisaaniyadda.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyele ayaa Xildhibaanada u sheegay in lacagtii dowladda Turkigu ku kabi jirtey Miisaaniyadda aan la helin saddexdii bilood ee u danbeysey. Tueriga ayaa bishii lacag laba Milyan ah ku kabi jirey Miisaaniyadda taas oo sanadkii gaari karta 24 Milyan.

Dhinaca kale Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa muran iyo dood ka keenay lacago Miisaaniyada ugu qoran Dowlad Goboleedyada iyo in ay kala badan yihiin taas oo Wasiirka Maaliyaddu uu faah-faahin ka bixiyey.

Isku soow ada duuboo Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay daa’intey bixinta mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka iyada oo saddexdii bilood ee u danbeysey ay hoos u dhacdey dhaqaalaha ka imaanayey deeq bixiyaasha saaxiibka la ah Soomaaliya.

 

HOOS KA DAAWO