DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo toogasho ku dilay Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsanaa iyo Muran ka dhashay

0

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in Al-Shabaab ay dileen Mustafa Hassan Mohamed oo ka tirsanaa Al-Shabaab , islamarkaana kasoo jeeday dalka Kenya Shabaabna ku biiray sanadkii 2015 ta ka dib markii ka baxsaday Iskuul ku yaalla dalka Kenya.

Warbaahinta Kenya oo soo xiganaysa Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dileen Mustafe ka dib markii ka carooday Qaraxyadda iyo Weerarada Al-Shabaab ee ka dhaca Magaalooyinka Gaarisa iyo Mandeera .

Al-Shabaab ayuu ka hor sheegay in Qaraxyadaasi lagu dilay Caruur iyo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan.

Sirdoonka Kenya ayaa kuwaramay in ninkaasi Al-Shabaab ay khaarajiyeen todobaadkii lasoo dhaafay.

Al-Shabaab ayaa Qaraxyo iyo Weeraro ay ka geysteen dalka waxa ay ku dileen Saraakiil badan oo ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Kenya.

Falkaasi ayaa lagu soo waramaya in uu ka careysiiyay Kenyaan badan ee ka barbar dagaalama Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa horay u dilay dhowr nin oo Kenyaan ah , kuwaa soo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Sirdoonka Kenya.

 

HOOS KA DHAGEYSO