TOP NEWS:- Dawladda Turkiga oo Todoba Kun oo Ruux Shaqada ka eriday.

0

Turkiga ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga ceyriyay kumanaan Iyadoo maanta ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee iskudaygii afgembigii ee dhicisoobay.

In ka badan todobo kun oo isugu jira saraakiil booliis, xubno dowladda ka tirsan iyo aqoonyahanno ayaa wareegtadasi shaqada looga eryay.

Turkiga ayaa hore shaqada uga eryay in ka badan boqol iyo konton kun oo saraakiil ah sanadkii hore, isla markaana xiray ilaa konton kun oo ka tirsan xoogagga milatariga iyo booliiska.

In ka badan labo boqol iyo kontan qof ayaa ku dhimatay magaalooyinka Ankara iyo Istanbul markii ciidammo mucaarad ah ay weerarro ku qaadeen iyagoo adeegsanaya taangiyo iyo helikobtarro sanad ka hor maanta oo kale.

Xukuumadda Ankara ayaa ka dooneysa Washington inay Turkiga ku wareejiso wadaadka, Fetxullaah Gulen, oo ay sheegtay inuu ka dambeeyay isku daygaasi dhicisoobay.

Isagoo ka hadlayay magaalada Ankara, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dalbaday in marnaba aan wax damqasho ah loo muujin kuwa shaqada laga tiray.

Baarlamaanka Turkiga ayaa gelinka dambe ee maanta yeelan doona kulan gaar ah oo lagu xusayo dhacdadaasi, ayadoo sidookalana ay dowladdu ku dhawaaqday fasax qaran.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka qeybgali doono furitaanka taalo loo dhisay 250-kii qof ee ku dhintay isku-daygaasi afgembi.