DHAGEYSO:- Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Dhalinyaro Raashin Sun loogu daray.

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Mas’uuliyiin iyo sidoo kale dhalinyaro ka mid ah Ururka Dhalinyaradda gobolka Mudug la dhigay isbitaal.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyaradda gobolka Mudug ayaa Warbaahinta u sheegay in Mas’uuliyiinta iyo dhalinyaradda in ay ka yimaadeen goob loogu sameeyay Casho oo ku taalla duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale ugu yaraan 15 Dhalinyaro ah ayaa Isbitaalka la dhigay iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug.

HOOS KA DHAGEYSO