TOP NEWS:- Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Tagaya Magaalada Garoowe

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay Maanta gaaraan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland.

Wafdiga ayaa Magaalada muqdisho uga qeybgalay shirkii madasha amniga qaran kaas oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay,iyada oo Saacadaha soo socdo laga sugayo Magaalada Garoowe sida ay Shaacisay Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe.

Qaban qaabadii u dambeysay ee ku aadan soodhaweynta Madaxweynaha Puntland ayaa ka socota Magalada Garoowe,waxaana aad loo adkeeyay amaanka iyada oo la arkayo Ciidamada ka tirsan kuwa Puntland oo taagan Wadooyinka Waaweyn ee Gudaha Magaalada Garoowe.

Cabduweli Gaas,ayaa la filayaa in markii uu tago Garoowe,ka hadlo arimo ay ka mid yihiin shirkii Golaha amniga Qaran ee uu uga qeybgalay Magaalada Muqdisho iyo dagaalka ay puntland kula jirto dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Daacish.