DHAGEYSO:- Nabad Suggida gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka hadashay Macalimiin lagu xiray Magaalada Jowhar.

0

Taliska Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxa ay ka hadleen tiro macalimiin ah oo lagu xiray Magaalada Jowhar, kadib markii Shabaab macalimiintaasi ay ugu yeereen deegaan duleedka ah Magaalada Jowhar.

Ujeedada Shabaab ay ugu yeereen Macalimiinta ayaa ahaa inay dhaqangeliyaan Macalimiinta Manhaj waxbarasho oo Shabaab ay diyaariyeen, islamarkaana ay doonayaan in lagu dhigo Iskuulada ku yaalo Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidamada Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe C/qaadir Cabdulle Xaayow ayaa sheegay inay ka hortagayaan qorshaha Shabaab ay doonayaan inay Gobolka ka sameeyaan, gaar ahaan deeganada ciidamada dowladda ay joogaan.

Xaayow wuxuu sheegay macalimiinta markii ay ka soo laabteen deeganada ay joogaan Shabaabka in la qabtay oo hadda Wareysi uu ku socdo, baaristaasi oo ay wadaan Taliska Nabad Suggida Shabellaha Dhexe.

Tirada Macalimiinta xiran ayaa waxa ay gaarayaan illaa todobo Macalimiin, kuwaasi oo ku xiran Magaalada Jowhar.

Kulanka Macalimiinta iyo Shabaabka dhexmaray ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Gamboole oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, Jowharna u jirta ugu yaraan 40-KM.

Dadka Shacabka ah ayaa waxa ay noqdeen kuwa labada dhinac dhibaato kala kulma Shabaab amaro ayeey bixiyaan cidii fulin waydana waa ay dilayaan, dowladana waa ay ka soo horjeeda amarada Shabaabka ay bixiyaan.

HOOS KA DHAGEYSO