Dhambaal Tacsiyadeed:- Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuum Cali-Garaad Sheekh Cabdullaahi Feerayare.

0

Dhambaal Tacsiyeed:- Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa shalay oo ay taariikhda ahayd 10-07-2017 ku geeriyooday magaalada Luuq ee gobolka Gedo Allaha u Naxariistee Marxuum Cali-Garaad Sheekh Cabdullaahi Feerayare.

Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha, Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta iyo xanuunka badan leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Cali-Garaad Sheekh Cabdullaahi Feerayare, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Reer Sheekh Cabdullaahi Feerayare, gaar ahaana Nadiifo Sheekh Cabdullaahi Feerayare iyo dhamaan asxaabtii uu ka baxay Marxuum Cali-Garaad Sheekh Cabdullaahi Feerayare, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu dhamaanteen samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum Cali-Garaad Sheekh Cabdullaahi Feerayare, waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum Cali-Garaad Sheekh Cabdullaahi Feerayare janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

Waxaa Tacsidaas mid lamid ah diraya.

Reer Maxamed Ugaas Aaden Xaashi

Reer Ismaaciil Aw Maxamuud iyo hooyo Khadiijo Cilmi Cali

إِنَّ للهِ ما أَخَذ، وَلَهُ ما أَعْـطـى، وَكُـلُّ شَيءٍ عِنْـدَهُ بِأَجَلٍ مُسَـمَّى.فَلْتَصْـبِر وَلْتَحْـتَسِب. أَعْظَـمَ اللهُ أَجْـرَك، وَأَحْسَـنَ عَـزاءَ ك، وَغَفَـرَ لِمَـيِّتِك