DHAGEYSO+SAWIRRO:- Ciidamada Maamulka Puntland oo qabtay afar iyo toban dhalinyaro ah oo ku biirayay Al-Shabaabka Galgala.

0

Ciidamada Amniga ee Puntland ayaa duleedka magaalada Garowe ku qabtay illaa 14 dhalinyaro ah oo ay sheegeen inay u socdeen Buuraha Calmadow oo saldhig u ah Kooxda Al-Shabaab.

Dhalinyaradan ayaa lagu qabtay koontarool lagu baaro gaadiidka oo ku yaala duleedka Garowe, iyadoo lagu soo qaaday gaari shabaqle ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Amniga Puntland ayaa sheegay in qabashada dhalinyaradan ay doonayeen inay ku biiraan Al-Shabaab.

Sawiradan dhalinyaradan ayaa lagu soo bandhigtay barta Facebook ee ay leeyihiin Ciidamada Amniga Puntland ee loo yaqaano PSF.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dhalinyarada laga qabtay duleedka magaalada Garowe inay Tahriib u socdeen.

Puntland ayaa dagaalo kula jirta Al-Shabaabka ku sugan dhulka buuraleyda Gobolka Bari, waxaana maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Puntland howl gallo ka wadeen buuraha Galgala.

HOOS KA DHAGEYSO