DHAGEYSO:- Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka warbixiyay socdaalka uu ku marayo caasimadaha maamul Goboleedyada.

0

Wasiirka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha dalka ayaa ka warbixiyay Shirweynaha dib u eegista Dastuurka Dalka.

Waxa uu sheegay in Bartamaha bisha soo socoto ee Agoosto la qabanayo Shirweynaha dib u eegista Dastuurka Dalka isla markaana ay ka qeyb galayaan dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa tilmaamay in Shirarka wadatashiga ah ee hanaanka dib u eegista Dastuurka la soo gabagabeyn doono 24 bishaan Julaayo waxa uu shirarkaasi ku sheegay iney yihiin shirar wadatashi oo ka socda Magaalooyinka Maamul goboleedyada Dalka.

Dhinaca kale Wasiir Xoosh Jibriil ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed dhamaantood laga qeyb gelinayo Barnaamijyada dib loogu egayo Dastuurka.

Isku soo wada duuboo Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee dib logu eegayo Dastuurka, Waxa ay Wasaaradu bilihii ugu dambeeyay Shirar Wadatashi ku qabatay Caasimadaha Maamul goboleedyada Dalka sida Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe.

HOOS KA DHAGEYSO