DHAGEYSO:- Maamulayaasha Todoba Iskuul oo ku yaala magaalada Jowhar oo la xiray, kadib markii ay Al Shabaab kulamo la qaateen.

0

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay maamulayaasha 7 Iskuulada oo ku yaala magaalada, kaddib markii ay tageen deegaan ay maamulaan Al-Shabaab.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maamulayaashan la xiray, xilli ay magaalada ka soo galayeen koontaroolka galbeed ee magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in maamulayaasha iskuulada ku yaalla Jowhar maalmo ka hor Al-Shabaab ugu yeereen deegaanka Gamboole oo 40KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Jowhar, kadibna ay shalay tageen, iyagoo la soo kulmay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Nabadsugida ayaa xabsiga dhigay maamulayaashan, waxaana lagu eedeeyay inay tageen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, iyagoo fulinaya awaamiirtooda.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa wali ka hadlin xariga Maamulayaasha Iskuulada.

Isku soo wada duuboo Deegaanka Gamboole ayaa la rumeysan yahay inay xilligan xarun u tahay Al-Shabaab, waxaana dadka ku nool Jowhar iyo hareerihiisa ay u aadaan arrimo dacwo la xiriira dhul, iyo arrimo kale, halkaasoo ay ku taalo maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab oo dacwadaha qaada.

HOOS KA DHAGEYSO