DHAGEYSO: Dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo loo gudbiyay Maxkamada Sare ee Dalka.

0

Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Jubbaland kana mid ahaa labadii Xildhibaan ee laga musaafuriyay Magaalada kismaayo ayaa ka hadlay Qorshaha u degsan maadaama weli uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada Jubbaland ay jiraan mudo laba Sano ah islamarkaana aysan jirin wax ay ay u qabteen Bulshada Reer Jubbaland.

Waxa uu sheegay in sababaha ugu weyn ee looga hor istaagay in uu ka hadlo dhaliilaha Jubbaland ay tahay in uu doonayay in uu soo bandhigo dhibaatooyinka iyo waxqabad la’aanta ka jirta Jubbaland.

Dhinaca kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray Dastuurka Jubbaland aysan jirin meel ay kaga taalo in Xildhibaankii ka horyimaada Madaxda Jubbaland in la sheego in lagala laabto kalsoonida.

Isku soo wada duuboo waxa uu sheegay in uu Maxkamada Sare ee dalka uu u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) islamarkaana uu jawaab ka sugayo.

HOOS KA DHAGEYSO