DHAGEYSO:- Ciidamada Kenya, Ciidamada Dawladda iyo kuwa Jubbaland oo la geeyay duleedyada magaalada Kismaayo.

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ammaanka Magaaladaasi si weyn loo adkeeyay .

Warkan aya aintaasi waxa uu ku darayaa in Ciidamo isugu jira Kenyaan iyo Soomaali ayaa la geeyay Duleedyada iyo Kontoroolada laga soo galo Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay baaritaan ka waddaan Gudaha Magaalada.

Dadka Magaalada Kismaayo ayaa Risaala u sheegay in xataa ay saakay xiran yihiin Ganacsiyadda ka agdhow Madaxtooyadda Jubbaland.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la sheegay in Golahiisa Wasiirada uu ku wargeliyay in ay isku diyaariyaan safar ay ugu ambabaxayaan magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu qaban doono shirka Golaha Wasiirada todobaadkan.

Isku soo wada duuboo Wafdi ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u ambabixi doona magaalada Kismaayo, iyada oo magaalada laga dareemayo diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga.

HOOS KA DHAGEYSO