DHAGEYSO:- Ciidamada Dawladda iyo Ciidamada Kenya oo hawlgal lagu baacsanayo Al Shabaab ka bilaabay deegaanada gobolka Gedo.

0

Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka bilowday degmooyin ka mid ah gobolka Gedo sida uu Risaala u xaqiijiyay Madaxa Amniga gobolka Gedo Bile Huufuud Ibraahim.

Warkan aya aintaasi waxa uu ku darayaa in howlgalkaan ay si wadajir ah u bilaabeen Ciidamada dowladda iyo sidoo kale kuwa dowladda Kenya ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Dhinaca kale Howlgalkaan ayaa hadda ka socda degmada Baardheere iyo degaanada hoosyimaada, Waxaana Madaxa amniga gobolku uu sheegay in dhawaan ay ka saari doonaan Al-Shabaab degaanada ay ka jooggaan gobolka Gedo.

Isku soo wada duuboo Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro iyo dilal qorsheysan , waxaa ay ka geystaan gobolka Gedo, waxaana Mas’uuliyiinta Jubbaland ay sheegaan in ay wax ka qabanayaan Arrintaasi

HOOS KA DHAGEYSO