DHAGEYSO:- Ciidamada Bururndi oo loo rarayo magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo Muddo ku dhow 10 Sano deganaa Jaamacadda Gaheyr ayaa saakay ugu dambeyntii ka guuraya xarunta Jaamacadda.

Warkan aya aintaasi waxa uu ku darayaa in Ciidamada dowladda Burundi ay Sanadkii 2007dii degeen Jaamacadda Gaheyr qeybteeda Degmada Dharkenley.

Sida ay Warbaahinta xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska , waxaa goobta ay ka guuraya Ciidamada AMISOM degi doono ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Wararka waxa ay sheegayaan Ciidamada Gaheyr ka guuraya in ay aadayaan Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ,halkaasi oo ay ka sameysteen Saldhig.

Isku soo wada duuboo Guud ahaan maanta waxaa xiran wadada dheer ee ka timaada Ex-Control Afgooye illaa Isgoyska KM4, sababtana waxaa lagu sheegayaa inay tahay ciidamada Amisom ee Saldhigaasi ka guuraya.

HOOS KA DHAGEYSO