DHAGEYSO:- Ciidamada AMISOM oo ka Guuray Jaamacada Gahayr Iyo Dawladda oo lagu wareejiyay.

0

Ciidamada AMISOM ayaa saaka bilaabay inay ka guuraan mid ka mid ah fariisimihii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhismaha Jaamacaddii Gaheyr ee ku taal degmada Wadajir.

Dhismaha Jaamacaddan ayaa muddo 10 sano ku dhow ay degenaayeen Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi, waxaana lagu wadaa in lagu wareejiyo Ciidamo Boolis.

Guuritaanka Ciidamada AMISOM ee fariisinkooda Jaamacadda Gaheyr ayaa saameyn ku yeelatay isu socodka gaadiidka, iyadoo loo xiray waddooyin dhowr ah, sida dhanka wadada aada Afgooye.

Munaasabad dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay Jaamacadda Gaheyr ayaa ka socda dhismaha jaamacadaas, waxaana munaasabada ay tahay mid sagootin ah, waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, AMISOM iyo Qaramada Midoobey.

Ciidamada AMISOM ee ka guuraya dhismaha Jaamacadda Gaheyr ayaa lagu wadaa in la geeyo magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle, si ay ugu biiraan Ciidamada halkaas ku sugan ee ka socda dalka Burundi.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in AMISOM looga saaro meelaha muhiimka ah ee bulshada, waxaana dhowaan lagu wadaa in laga saaro Garoonka Kubadda cagta ee Stadium Muqdisho oo muddo ay degan yihiin.

Isku soo wada duuboo Jaamacadda Gaheyr ayaa ka mid ah laamaha Jaamacadda Umadda, waxaana dhowaan lagu wadaa in dib u dayactir lagu sameeyo, si loogu bilaabo waxbarashada.

HOOS KA DHAGEYSO

HOOS KA DHAGEYSO KHUDBADAHA