DHAGEYSO:- Buracadbadeeda Soomaalida oo lagu eedeeyay inay taageeraan Al Shabaab iyo Daacish.

0

Kooxaha burcadbadeeda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay taageeraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Hay’adaha Caalamiga ee falanqeeya Arrimaha Argagixisada ayaa waxa ay sheegeen in ay tuhunsan yahay in Kooxaha Burcadbadeeda iyo sidoo kale kooxda Daacish ee uu ka dhaxeeyo xiriir.

Warbixin dheer oo laga sii daayay Tv-ga CNN ayaa lagu sheegay Qaramada Midoobey iyo sidoo kale dowladda Mareykanka ay ogyihiin in ugu yaraan labo Afduub Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay ka saacideen Kooxo Argagxiso.

QM ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in Kooxo Burcadbadeeda Soomaalida laga qaado tilaabo adag, maadaama ay khatartooda ay sii kordheyso.

Dhinaca kale Madaxda Caalamka ayaa cabsi weyn ka qabta Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida in ay u xuubsiibtaan Argagaxiso.

Isku soo wada duuboo Hoggaamiyeyaasha Kooxaha Burcadbadeeda ayaa horay loogu eedeeyay in ay taageeraan Al-Shabaab iyo sidoo kale Al-qaacida.

HOOS KA DHAGEYSO