DHAGEYSO:- Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in Guddi Amni oo loo sameynayo degmooyinka Gobolka Banaadir.

0

Wararka naga soo gaaraya Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir lagu amray in ay soo dhisaan Guddiga Amniga heer degmo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Guddoomiyaha degmada ayaa Guddoomiye ka noqonaya Guddiga Amniga heer degmo oo ay soo dhisayaan Degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in arrintan ay wax badan ka bedeleyso xaalada amni ee magaalada.

Dhinaca kale Wuxuu sidoo kale sheegay dhammaan Guddoomiye degmooyinka iyo maamulka gobolka Banaadir in ay isla gorfeeyeen arrintan.

Isku soo wada duuboo Horay waxaa loo dhisay Guddiga Amniga heer gobol, kaasi oo ilaa hada shaqeynaya, wixii xilligaasi ka dambeeyay amniga Muqdisho wuxuu soo noqonayay mid soo hagaagaya.

HOOS KA DHAGEYSO