TOP NEWS:- Warar dheeraad ah oo kasoo baxay Qaraxii xalay lagu dhaawacay Agaasimihi Hore ee Wasaarada Warfafainta Soomaaliya.

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xalay lagu dhaawacay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi, kaasi oo ka dhacay wadada Taleex gaar ahaan inta u dhaxeysa Masjidka Sheekh Cabdirashiid iyo Maqaaxida Muscab ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa noociisa uu ahaa Miino, taasi oo lagu soo xiray Gaarigii uu watay Bahlaawi, waxayna Qaraxday markii uu marayay wadada Taleex, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Gaarigii uu watay Agaasime Bahlaawi ayaa waxaa nuuciisa lagu sheegay SURF, waxaana uu watay dhowr Askari oo ilaalo u ahaa, kuwaasi oo Qaraxa kadib Rasaas naxdin gelisay shacabka u riday Afarta jiho.

Wariyeyaal goobta uu Qaraxa ka dhacay tagay ayaa waxa ay Warbaahinta gudaha dalka u sheegeen in ay arkayeen Agaasime Bahlaawi oo Gaariga ka sii dagaya, isaga oo dhaawac fudud ka soo gaaray Garabka Midig.

Dhaawaca Cabdirisaaq Bahlaawi ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si halkaasi loogu dabiibo.

Sidoo kale Qaraxan ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray laba Qof oo shacab ah oo mid ka mid ah ay tahay Gabar yar, kuwaasi oo xilligii uu Qaraxa dhacayay goobta marayay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxa ay xireen wadada uu Qaraxa ka dhacay, halkaasi baaritaano ayay ka sameeyeen, kadibna way isaga dhaqaaqeen.

Isku soo wada duuboo Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi ayaa dhowaan laga qaaday xilkii Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq, booskii waxaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay Cabdiraxmaan Al-cadaala.