TOP NEWS:- Pakistan oo baaraysa wixii sababay booyad shidaal oo dhawaan ku qaraxday magaalada Bahawalpur oo ay ku dhinteyn 209 qof.

0

Pakistan ayaa billowday in ay baarto wixii dhaliyey booyad shidaal oo dhawaan ku qaraxday magaalada bariga ku taalla ee Baxwalbuur oo ay ku dhinteyn 209 qof.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in baaritaanka uu si rasmi ah u billaaban doono berri oo Khamiis ah isla markaana ay warbixin cad ka soo saari doonaan wixii sababay shilkaas.

25-kii bishii hore ee June ayaa booyadan oo ay leedahay shirkad qandaraas lagu siiyeyey shidaalka ayaa ka baxday waddada waana ay gadoontay, waxaana markii dambe ku soo xoomay dad aad u fara badan oo raba in ay qaataan gaaska saraan booyada balse markii dambe waa ay qaraxday oo halkaas khasaaro badan ayaa ka dhacay.

Afhayeenka u hadlay dowladda Pakistan ayaa sheegay in booyada shidaalka ay u kireesneed shirkadda Shell ee dalka Pakistan taasoo gaaska ka keenta magaalada dekedda leh ee ku taalla koonfurta Karachi isla markaana geysya magaalada Lahore, ee caasimadda gobalka Punjab.

Shirkadda Shelle ee dalka Pakistan oo hoostagtada shirkadda kale ee Royal Dutch Shell ayaa soo saartay qoraal wax yar kaddib markii shilka uu dhacay, waxaana ay sheegtay in ay dowladda kala shaqeyn doonto baaritaanka socda.

“Badqabka wadadda waa arrinta ugu weyn ee ahmiyadda u leh Shelle waxaa horrey u sheegnay in aan diyaar u nahay baaritaanka socda in aan ka qeyb qaadano si loo ogaado waxa sababay dhacdadan,” ayuu yiri maamulaha shirkadda Jawwad Jeema.

Markii uu dhacay qaraxa, afhayeen u hadlay gobalka Bunjaab ayaa sheegay in ay ka digeen in loo dhawaado booyadda shidaalka markii ay wadadda ka baxday isagoo intaas ku daray in uu wadihii booyadda uu lumiyey xakameynta baabuurka.

Darawalka ayaa la sheegay in uu ka badbaaday shilkaas iyo qarixii danbe ee xigay.

Shidaalka waa wax yaabaha aad looga isticmaalo dalka Pakistan, in ka badan 60% ayaa isticmaala shidaalka, sidaas waxaa laga soo xigtay sahan uu sameeyay Bangiga adduunka.

Ra’iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Shariif ayaa ku dhawaaway 20 Milyan oo lacagta Pakitan ee Rubida oo u dhiggan 20 ($20,000) in ay magadhow ahaan u siiyeen qoysaska dhibanayaasha.

Talaadadii shaley, tirada dhimashada ayaa la sheegay in ay korartay oo ay gaartay 209 qof kaddib markii 60 qof oo dhaawacyo qabay ay ku dhinteen Isbitaalka sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadlay Isbitaalka Fiktooriya , Amir Mehmood oo u warramay wakaaladda wararka Reuters.