DHAGEYSO:- Maamulka Ahlusunna Gobolada Dhexe oo ka hadlay Ganacsatada Sicir Bararka ka socda degmada Guriceel.

0

Iyadoo shalay guud ahaan uu hakad galay ganacsigii Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Maamulka Ahlu Sunna waxa uu ka hadlay arrintaasi.

Ganacsatada Degmada Guriceel ayaa diiday qaadashada lacagta Shiling Soomaaliga.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa sheegay in ganacsatada ay kala hadleen sidii loo joojin lahaa Sicir bararka ka bilowday degmada Guriceel.

Maamulka waxa ay sidoo kale sheegeen in horjoogayaasha ganacsatada looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii looga gudbi lahaa marxalada adag ee ka taagan degmada Guriceel.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Guriceel ee Maamulka Ahlu Sunna C/raxmaan Sheekeeye ayaa sheegay in ganacsatada iyo Maamulka Ahlu Sunna ay ka wada hadleen sidii loo joojon lahaa Sicir bararka ka bilowday degmada Guricel.

Sidoo kale Guddoomiye ku Xigeenka waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo hormarinta ganacsiga degaanada Maamulka Ahlu Sunna.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO