DHAGEYSO:-Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka taagan Xudur Iyo wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Abu Mansuur Roobow.

0

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan ayaa ka taagan degmada Xudur ee gobolka Bakool, sida uu soo sheegayaan ilo wareeydo ku sugan degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).

Dagaalyahano badan oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay gaareen degaano iyo tuulooyin ka tirsan degmada Xudur ee gobolka Bakool, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin oo la hadlay Warbaahinta gudahaayaa sheegay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed in ay weli wadaan Dhaq dhaqaaqyo Ciidan, kuwaasi oo lagula dagaalamayo Shabaab.

Sidoo kale Maxamed Macalin Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool wuxuu sheegay ururka Al-shabaab in ay dhibaato ku hayaan shacabka ku dhaqan degaanada ay ka maamulaan gobolka Bakool.

Dhanka kale Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo Shabaab ka baxay 2013-kii, dhowaana Mareykanka uu ka saaray liiska Argagixisada ayaa ku nool dhulka miyiga ah ee degaanka Abal oo ku yaalla duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasi oo Shabaabka ay ku hareereysan yihiin, si ay nolosha ugu soo qabtaan Wadaadkaasi.

HOOS KA DHAGEYSO