WAR DEG DEG AH:- Oday dhaqameed Muqdisho lagu dilay.

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkiinley ee Galbeedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan in degmadaasi lagu dilay nin oday ahaa.

Saddex nin oo bistoolado ku hubeysneyd, ayaa waxaa la sheegay in odaygaasi ay ku toogteen xaafadda Dabaqaynka, iyadoona dilka ka dib u suurta-gashay inay goobtaasi ka baxsadaan.

Ciidamada ammaanka, ayaa waxay goobtaasi gaareen mar ay ka carareen raggii dilka gaystay, iyagoona meydka ninkaasi u qaaday Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID.

Oday Dhaqameedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Cali C/raxmaan (Axmed Jaxash), waxaana uu ka tirsanaa Ergadii Hirshabelle ee Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Jowhar.
Nin ka tirsan dadka ku dhaqan xaafadda Dabaqaynka, ayaa inoo sheegay in marxuumka la dilay xilli uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday Masaajid xaafadaasi ku yaala, uuna ku sii jeeday hoygiisa. Ragga wax dilay ayuuna sheegay inay wadada u galeen.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda CID, ayaa sheegay in dhagarqabayaasha ay qaarka sare ee jirkiisa ka toogteen Nabadoon Axmed Cali C/raxmaan, isla-markaana uu u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray rasaastii ay huwiyeen.