WAR DEG DEG AH:- Hoobiyeyaal lagu soo tuuray agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

0

Tiro Hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay Degmada Warta-nabadda gaar ahaan Meel u dhow Daarta Shimbiraale oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana Hoobiyeyaasha ay Sababeen Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Goobjoogeyaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 6 Hoobiye ay ku soo dhaceen Xerada Shimbiraale,waxaana Qarxay mid kamid ah Hoobiyaashaas,halka ay Shantii kale dhici waayeen ama ay Qarxi waayeen.

Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu Magacaabo Shooli Ibraahim Muuse ayaa ku dhintay Hoobiyeyaal Qarxay,waxaana ku dhaawacmay Qof Dumar ah.

Dhowr Jeer ayaa sidaan oo kale waxaa ku soo dhacay Aagaas,Tiro Hoobiyaal ah,waxaana aan la ogeyn halka laga soo tuuray Hoobiyaashaas.