DHAGEYSO:- Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar oo gaaray dalka Kuwait.

0

Wasiirka arimaha dibada ee Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-thani ayaa gaaray dalka Kuwait si uu ugu wareejiyo jawaabta dalabaadkii gaarayay 13 qodob ee ay usoo gudbiyeen Dowladda Sacuudiga iyo xulufadeeda.

Dowladda Kuwait ayaa horey ugu dhawaaqday inay dhexdhexaadin doonto dalalka khaliijka.

Laakiin jawaabta Qatar ayaa diiradda lagu saaraya kulanka maalinta Arbacada ka dhacaya magaalada Qaahiro ee u dhaxeeya wasiirada arimaha dibadda ee Sacuudiga, Masar, Bahreyn iyo Imaaraatka Carabta.

Afartaa wadan ayaa xiriirka u jaray Qatar shanti bishii June iyaga oo ku eedeeyay inay argagixiso taageerto.

Waxayna kusoo rogeen cunuqabateyn dhulka, cirka iyo badda ah.

Afartaasi wadan ayaa wasiiradooda arimaha dibadda waxay ku kulmayaan magaalada Qaahira iyaga oo ka fakaraya waxyaabaha xigi doono sharuudihii ka koobnaa 13 qodob.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa siyaabo kala gaargaar ah kula hadlay hogaamiyaasha dalalka Qatar, Sacuudiga, iyo Imaaraatka carabta gelinkii dambe ee shalay.

Xiisadaan siyaasadeed ayaa saameysay isku socodka ganacsiga ee dalalka Khaliijka.

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Wararka Xiisada Khaliijka Kala Soco Allgalgaduud Media