DHAGEYSO:- Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ay ka geysteen Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Mareykanka ayaa xaqiijiyay inay qaadeen weerar cirka ah ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, shalay oo Axad aheyd, iyadoo ay aad u yar tahay faah faahinta buuxda ee laga heli karo duqeyntaas.

Saraakiil maxali ah iyo dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen kolonyo mareysay meel ku dhow deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay dhacday shalay oo Axad aheyd, ayna darsayaan xaalada

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeynta oo la sheegayo in lala beegsaday Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo aan wali magaciisa la sheegin.

Inta badan Mareykanka kama hor-dhaco weerarada duqeymaha ee ay ka fuliyaan Soomaaliya, illaa ay ka soo bandhigayaan faah faahin rasmi ah, sida horay u dhacday.

Al-Shabaab ayaa wali ka hadlin duqeynta ka dhacday aagga Kuunyo Barow oo ah deegaan ay aad ugu xooggan yihiin.

Mareykanka ayaa horay duqeymo uu ka fuliyay Soomaaliya ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, waxaa ka mid ahaa Hoggaamiyihii hore Axmed Godane oo la dilay 2014 duqeyn ka dhacday meel ku dhow Baraawe.

HOOS KA DHAGEYSO