DHAGEYSO:- R/wasaare Xasan Cali Kheyre: “Waxaan ku guuleeysanay in Itoobiya nagu soo wareejiso 120 Maxaabiis ah”

0

Ra’iisul wasaaraha Doowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo hada ku sugan magaalada Addis-Ababa ee Dalka Itoobiya, ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen in Itoobiya ay kasoo daayaan 120 Maxaabiis Soomaaliyeed ah.

Qoraal lasoo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay R/wasaare Kheyre, ayaa lagu xaqiijiyay warkan.

“”Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu warejiso 120 Maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la sashay”Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu warejiso 120 Maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la sashay #Soomaaliya

— SomaliPM (@SomaliPM) July 3, 2017
Maxaabiistan ay Itoobiya kusoo wareejisay Soomaaliya, ayaa waxaa kamid ah wariyaha caanka ah ee Boqorka Bartamaha, kaasoo horay loogu xukumay Xabsi mudo dheer ah.

Tallaabada ay qaaday Doowlada Soomaaliya ayaa waxaa si aad ah usoo dhaweeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehelada Maxaabiista, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo aadan loo soo duuliyo magaalada Muqdisho.

HOOS KA DHAGEYSO