XOG:- Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo 5-ta Bisha ku Shiraya magaalada Muqdisho.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wardeeyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Maamul-Goboleedyada ay ku yeelanayaan magaalada Muqidisho 5-ta bishaan July shir-wadatashi ah.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Shirkaasi qodobada la og yahay in looga hadlayo ay ka mid yihiin:

1-Go’aanka dawladda ka qaadatay arimaha Khaliijka

2-Isku dhafka ciidmada, Xoreynta dalka Iyo gulufka colaadeed ee Al-Shabaab, xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee dawladda iyo mamaul goboleedyada.

3-Mooshin la sheegay in Xildhibaanada qaar ay wadaan, balse Xildhibaana intooda badan ay inkireen ku lug lahaanshihiisa.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media