TOP NEWS:- Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Al Bashiir oo booqasho rasmi ah ku tagaya Ruushka.

0

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa bisha soo socota la filayaa inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Ruushka, kaddib markii uu martiqaad uu ka helay Madaxweyne Vladamir Putin.

Al-Bashiir oo loo heysto dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada ayaa waxaa doon dooneyso Maxkamadda caalamiga ah ICC ee fadhigedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Al-Bashiir uu bartamaha bisha Agosto ee soo socota uu booqasho ku tagi doono magaalada Moscow.

Labada Madaxweyn Sudan iyo Ruushka ayaa ka wada hadli doona arrimo quseeya labada dal, gobolka iyo caalamka ku saabsan.

Sudan ayaa sugeysa in Mareykanka uu ka qaado cunaqabateynta ganacsi iyo kuwa kale oo la saaray 20 sano ka hor.