TOP NEWS:- Kooxo Hubeysan oo xalay ku dilay degmada Deyniile Mas’uul ka tirsan maamulka degmadaas.

0

Kooxo hubeysan ayaa caawa gudaha degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsan degamadaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka degmada Deyniile.

Guddoomiye waaxeedka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cusmaan Cali Wehliye, kaasi oo ahaa Guddoomiye waaxeedkii Saddexaad ee degmadaasi.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta gudaha dalka u sheegay Dhalinyaro ku hubeysan Bastoolado in ay toogteen Marxuum Cusmaan, kadibna ay goobta ka baxsadeen dilka kadib, iyada oo daqiiqado kadib ay halkaasi soo gaareen Ciidamada ammaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta ka qaaday Meydka Marxuum Cusmaan, waxaana caawa xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Deyniile ka wadaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Cusmaan Cali Wehliye ayaa Todobaad ka hor ka badbaaday weerar Qarax loo adeegsaday, kaasi oo lagula eegtay degmada Deyniile, balse Qaraxaasi ayaa wuxuu qabsaday Mooto Bajaaj, taasi oo sababtay in ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.