DHAGEYSO:- Dalka Waqooyiga Kuuriya oo tijaabiyay gantaal kale.

0

Kuuriyada Waqoooyi ayaa tijaabisay gantaal kale oo ah kuwa riddada dheer sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalalka Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Waqaaladda wararka ee dalka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap oo soo xiganaysa mas’uuliyin ka tirsan milatariga kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in tijaabadaasi ay ka dhacday gobolka Woqooyiga Pyongan oo ku yaala galbeedka dalkaasi.

Telefishinka dalka Japan ee NHK News oo soo xiganaya wasaaradda gaashaandhigga Japan ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in gantaalkaasi uu ku dhacay biyaha dhul lahaanshihiisu uu sheegto dalka Japan.

Mas’uul ka tirsan dowladda Japan ayaa warbaahinta u sheegay in gantaalkaasi uu socday muddo 40 daqiiqo ah, isla markaan ay suurtagal tahay in uu ku dhacay badda Japan.

Kuuriyada Woqooyi ayaa bilihii ugu dambeeyay dardar gelinaysay tijaabada gantaalada iyo hubkeeda niyuukleerka.

Wax yar uun ka hor inta Kuuriyada woqooyi aysan ridin gantaalkaasi tijaabada ah ayaa safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey waxa uu ka dhigay cawaaqib xumo masiibo ay ka dhalan karto haddii aanan la dejin oo aan la qaboojin xiisadda u dhaxeysa quwadaha caalamka iyo waddanka kuuriyada woqooyi.

Tijaabada gantaalka ay haatan tijaabisay xukuumadda Pynogyang ayaa ku soo beegmeyso maalin uun kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qadka taleefoonka kula hadlay ra’iisalwasaaraha Japaan Shinzo Abe iyo madaxweynaha Shiinaha, waxa ayna ka wada hadleen arrinta kuuriyada Woqooyi.

HOOS KA DHAGEYSO