TOP NEWS:- Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo maanta qarax loogu xiray gaarigiisa.

0

Qarax gaystay khasaaro ayaa maanta lagu bartilmaameedsaday magaalada Muqdisho gaari uu watay Agaasimihii hore ee Wasaaradda warfaafinta Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi xilli uu marayay mid ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray baabuurka uu watay Agaasimihii Hore ee Wasaarada Warfaafinta Mudane Bahlaawi.

Sidoo kale Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir Waxaa la sheegay in uu ku Dhaawacmay Agaasime Bahlaawi iyo Askari ilaalo u ahaa.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Faderaalka ee Soomaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxan ka dhacay iyagoona halkaasi ka bilaabay howlgalo baaritaano ah oo lagu baadigoobayo dadkii qaraxa gaystey.