SAWIRRO:- R/wasaaraha JFS Xasan Cali Kheyre oo Addis Ababa uga qeyb galay Shir Iyo Madax uu kulamo la yeeshay.

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ayaa ugu qeybgalay Somalia shir madaxeedka midowga Afrika ee ka furmay caasimada Addis Ababa kaasoo lasoo gabagabeyn doono Tallaadada.

Shirkaani oo ay aheyd in uu ka qeybgalo madaxweyne Farmaajo ayaa ka cudur daartay si bulshada Soomaaliyeed oo uu kala kulmayay inay ku dhaliilayeen safarada badan tan iyo intii uu xilka qabtay oo 11 safar uu dibada ugu ambabaxay, sababtaasina ay tahay inuu yareeyo safarada badan iyo in aan lagu dhaliilin safarada Itoobiya si uusan ugu weyn taageerada shacabka.

Shirka Midowga Afrika ee RW Kheyre ka qeybgalay ayaa waxaa looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta ururka midowga Afrika iyo bajadka dhaqaale uu ku shaqeynayo iyo xasaradaha ka taagan gobolka.

Dhinaca kale, RW Kheyre ayaa kulamo kala gooni ah la yeeshay madax ka tirsan Africa iyo masuuuliyiin, waxaana ka mid ah madaxdii uu la kulmay guddoomiyaha bankiga Afrika Akinwumi A. Adesina, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo hadda ah madaxa guud ee hay’adda WHO iyo madax kale.