DHAGEYSO:- Xabaal Wadareed dad Soomaali ah oo laga helay degaanka Bambo ee Bariga Magaalada Mandera.

0

Sida ay xaqiijiyeen Siyaasiyiinta Soomaalida ee laga soo doorto magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya waxaa Xabaal wadareed laga helay bariga Degmada Mandheera.

Siyaasiyiinta ayaa sheegaya in aysan wali hubin cidda rasmiga ugu dambeysa Xabaal wadareedkaas laakiin waxaa ay sheegeen in ay tuhmayaan Ciidanka amaanka ee maalmihii la soo dhaafay jooga degaankaas.

Meydadka 5 Qof oo midi haweeney tahay ayaa laga helay degaanka Bambo.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Caafimaadka Isbitaallka Degaanka Lafeey ayaa Saxaafadda u sheegay in dadkaasi Madaxa laga toogtay ka dibna la aasay.

Mid ka mid ah Eheladda dadka la helay Meydadkooda oo lagu magacaabo Cabdi Caraaye ayaa sheegay in walaalkiis la goobaayay muddo dhowr maalmood.

Gudoomiyaha Mandera ayaa sheegay in ay waddaan baaritaano sababta ka dambeysay in la dilo dadkaasi.

Ilaa iyo hadda ma cadda cida dishay dadkaasi oo ahaa dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

HOOS KA DHAGEYSO