DHAGEYSO:- Tababar loo furay Ciidamada Booliska iyo Taliyaha Booliska Soomaaliya oo sheegay in Dib u habeyn lagu sameynayo shaqada Ciidamada Booliska.

0

Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Kaahiye ee magaalada Muqdisho waxaa maanta Tababar loogu furay Ciidamo tiradoodu ay gaareyso 21 Askri.

Munaasabadda Tababarka loogu furayay Ciidamadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo xubno kale.

Ciidamada oo Tababarkooda uu soconayo 10 maalmood ayaa waxaa loo tababarayaa saraakiil iyo Macalinimo, sida ay sheegeen macalimiinta Tababarkan bixineysa, eemaanta Munaasabadda joogay.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono shaqada Ciidanka Booliska, taasi oo qeyb ka ah qorshaha hormarinta Ciidamada Booliska.

Wuxuu sheegay in ay kordhin doonaan Tababarada ay siinayaan Ciidamada Booliska, sidoo kalena ay u dhameystiri doonaan dhammaan agabka ay ku howlgalaan Ciidamada.

Sidoo kale Gen. Saacid ayaa sheegay Booliska in ay yihiin Kabaha shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed loo baahan yahay in ay u dhimriyaan shacabka Soomaaliyeed, taasi bedelkeeda shacabka wuxuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada, Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Ciidamada Booliska ku ammaanay qaabka ay uga qeyb qaadanayaan sugidda amniga.

Isku soo wada duuboo Dhawaan ayay aheyd markii Taliyaha Ciidamada Booliska dalka Talyaaniga uu booqasho ku yimid Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, wuxuuna balan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska Ciidamada.

HOOS KA DHAGEYSO