DHAGEYSO:- Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tagaya Puntland.

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagi doono Magaalooyinka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada degaanada maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale marka uu gaaro Puntland waxa uu la kulmi doonaa Madaxda iyo Saraakiisha ammaanka Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa tilmaamay in Safarada uu ku marayo Puntland uu hordhac u yahay Safarka Madaxweynaha uu ku tagi doono degaanada Puntland.

Sida uu xaqiijiyay Wasiir Juxa Madaxweynaha ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada puntland kala hadli doona dagaalka Al-Shabaab iyo xaqiijinta ammaanka guud ee degaanada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay booqasho ugu tagay Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Cadaado.

HOOS KA DHAGEYSO