DHAGEYSO:- Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Stephen Swirtz.

Kulanka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay qeybta VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasi oo inta badan Madaxweynaha uu ku qaabilo Diblumaasiyiinta reer Galbeedka ah.

Xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha siyaasadda, ammaanka iyo taageerada Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa Howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab, waxaana si Howlgalkaasi uu u fulo Dowladdu ay raadineysaa taageero buuxda oo ay ka hesho Dowladaha taageera.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay Dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab iyo sidii Dowladda Mareykanka ay door muhiim ah uga qadan laheyd fulinta Howlgalada qorsheysan ee Diyaaradaha Droneska ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Stephen Swirtz ayaa Dowladda Soomaaliya u balan qaaday in Mareykanka uu ka caawinayo la dagaalanka ururka Al-shabaab.

Ambassador Stephen Swirtz ayaa dhowaan sheegay in safaaradooda Muqdisho ay dib uga furan doonaan Bisha October ee sanadkan.

HOOS KA DHAGEYSO