DHAGEYSO:- Gudoomiye Taabit Cabdi oo ku amray Ganacsatada Suuqa Bakaaraha inay furaan wadooyinka xiran iyo.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa ganacsatada Suuqa Bakaaraha ku amray in ay furan Wadooyinka Xeran ee Suuqaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ganacsatada loogu baahan yahay in ay baneeyaan oo ay furan inta u dhaxeysa Iskoosyada Bakaaraha iyo KPP oo hada Howlo nadaafadeed ay ka socoto.

Waxa uu tilmaamay in ganacsatada laga doonayo in ay ka qeyb qaataan Nadaafada Suuqa Bakaaraha isla markaana Maamulka gobolka kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lagaa Suuqa.

Guddoomiye Thaabid ayaa ganacsatada ugu baaqay in aysan suurta gal ahayn in ay ganacsi oo keliya u yimaadaan Suuqa Bakaaraha balse aysan ka qeyb qaadan ololaha uu Maamulka gobolka ka wado Suuqa.

Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan dib u soo celinta bilicda Wadada u dhaxeeysa Iskoosyada Howl Wadaag iyo KPP.

Wadada u dhaxeeysa Isgoosyada Bakaaraha iyo KPP ee dhex marta Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa hada waxaa ka soconayo howlo Nadaafadeed oo dib loogu furayo Wadadaasi, sidoo kalena dib loogusoo celinayo bilicdii ay lahayd.

HOOS KA DHAGEYSO