DAAWO:- Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo iyo Tacsi uu u diray ehelada Marxuum Wasiir Awlibaax.

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib safarro uu mudooyinkii u danbeeyay ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn aaday dalka Sucuudiga halkaa oo uu kusoo cumreeystay, wuxuu intaa kadib safar gaaban ku tagay dalka Itoobiya, waxaana intaa kadib uu dib ugu laabtay dalka Kenya, halkaa oo uu soo kasoo ambabaxay.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ka tacsiyadeeyay geeri wasiirkii dhalinyarada Jubbaland Sheekh Maxamed Awlibaax oo dhawaan qarax ay soo maleegeen ururka argagixisada ah ee Al Shabaab dhaawac culus oo kasoo gaaray u geeriyooday.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo intaa kadib ka tacsiyeeyay geeridii ku timid wasiirkii dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland ee ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO