TOP NEWS:- Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmaha soo socda tagaya Puntland.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  lagu wado inuu maalmaha soo socda safar ku tago magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland iyo deegaanada kale ee maamulkaas hoos-yimaada, iyadoo booqashadan qeyb ka tahay safaro uu ku kala bixinayo xarumaha maamul goboleedyada.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa oo safar ku maraya deegaanada Puntland uu sheegay in safarkiisa uu gogol xaar u yahay booqasho la filayo in Madaxweynaha uu maalmaha soo socda ku tago.

Wasiir Juxa ayaa shalay gaaray magaalada Boosaaso, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, waxaa uu horay u soo maray Gaalkacyo, Garowe, Qardho iyo deegaanada kale ee Puntland ka tirsan.

“Safarkeyga wuxuu horu dhac u yahay booqasho uu Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku imaan doono deegaanada Puntland, haddii alle idmo, waxaan idinka codsanayaa inaad u diyaar garowdaan soo dhoweynta Madaxweynaha”ayuu yiri Wasiir Juxa.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ay safar dhulka ah ku mari doonaan deegaanada Puntland, si ay ugu kuur galaan xaalada nabadgelyo ee deegaanada ka jirta.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa horay booqasho ugu tagay xarumaha maamul goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo safarkii ugu dambeeyay uu ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo habeen uu ku hoyday.

Isku soo wada duuboo Safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Puntland ayaa noqonaya kii u horeyay, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay, iyadoo safarkan ku soo aadayo, iyadoo Madaxweynuhu dhowaan shaaca ka qaaday inay Puntland ka gacan siin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.