DHAGEYSO:- Xaalada Magaalada Baledweyne oo maanta cakiran.

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga Magaaladaasi.

Dadka ku sugan Magaalada ayaa saakay ku soo baraarugay iyadoo dukaamada ugu waa weyn magaalada ay xiran yihiin.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xiray goobaha Ganacsiga Magaalada Baledweyne, iyadoona wararka qaarkood ay sheegayaan in Al-Shabaab degaanada gobolka Hiiraan ay ka maamulaan ay ku Amreen dadka in aysan isticmaali karin lacagta Shillin Soomaaliga.

Amarkan ayaa la sheegay in uu sababay in Magaalada la soo galiyo Shilin Soomaali aad u fara badan oo laga keenay degmooyinka gobolka Hiiraan.

Wararka hadda naga soo gaaraya Magaalada ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka gobolka Hiiraan uu bilaabay in xoog lagu furo dukaamada cidii diidana tilaabo laga qaado.

HOOS KA DHAGEYSO