XOG:- Saraakiil sare oo Soomaali iyo Mareykan ah oo gaaray magaalada Baydhabo si ay Abu Mansuur Roobow.

0

Wararka hoose ee naga soo gaaraya qaar kamid ah Saraakiisha amaanka maamulka Koonfur Galbeed, waxaa magaalada Baydhabo gaaray Saraakiil ka socota Wasaarada Gaashandhiga Mareykanka & Dowlada Dhaxe ee Soomaaliya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Saraakiishani ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa Afar kuwaa oo la doonayo inay wadahadal la yeeshan Hogaamiyihii ka gadooday Shabaab ee dhawaan laga saaray Liiska Argagixisada Caalamka Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur”

Saraakiishani ayaa waxaa wehliya Sargaal ka tirsan FBI, kaa oo u xilsaaran in Roobow uu ka dhaadhiciyo in laga musaafuriyo deegaanka Abal oo qiyaastii 18KM u jirta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Saraakiishani ayaa magaalada Baydhabo ugu sii diyaar garoobaya la kulanka Wadaadka qunyar socodka ah ee Mukhtaar Roobow, waxa ayna sidoo kale wareysiyo arrintaa ku saabsan lasii yeelan doonaan Hogaamiyaha maamulka iyo Xubnaha kala shaqeeya arrinta Roobow.

Mukhtaar Roobow oo hadda ku go’doonsan deegaanka Abal oo qiyaastii 18KM u jirta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, ayaa lagu wadaa in lasoo gaarsiiyo magaalada Muqdisho, sida uu qorshuhu yahay.

Dhinaca kale Warar hoose ayaa tibaaxaya in Roobow Saldhig looga dhigi doono Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaa oo ay isku arki doonaan dhammaan Madaxda dalka iyo kuwa Caalamka ka jooga Somalia.

Isku soo wada duuboo talaabada Liiska Argagixisada looga saaray Mukhtaar Roobow, ayaa guul Taariikhi u ah dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana suuragal ah inay kusoo feelan Horjoogayaal kale.