WAR DEG DEG AH:- Bomb gacmeed lagu weeraray Ciidamada Dawladda oo ku sugnaa Suuqa Bakaaraha.

0

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Bambo Gacmeed lagu Weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Suuqa Bakaaraha.

Sida ay Warbaahinta gudaha dalka ay u xaqiijiyeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Bambo gacmeedka waxaa lagu tuuray Qeybta Khudaarta ee Suuqa Bakaaraha.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay labo kalena waxaa soo gaaray dhaawac.

Isku soo wada duuboo Dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa dhammaantood ah dad Shacab ahaa.