TOP NEWS:- Xiisad dagaal oo u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Al Shabaab oo ka taagan deegaanka War-Shubo ee gobolka Galguduud.

0

Wararka Saaka naga soo gaaraya degaanka Warshubo oo ka mid ah degaanada hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan xiisad u dhaxeeysa dadka degaanka iyo maleshiyaadka Al-Shabaab.

Xiisadaan ayaa timid ka dib markii Al-Shabaab ay ku dhawaad 93 qof oo isugu jira odayaal, ganacsato iyo waxgarad ay xireen degaanka War-Shubo oo qiyaastii 90km dhanka galbeed kaga beegan degmada Xarardheere.

Al-Shabaab ayaa dadkaasi ku eedeeyay in ay ku guuldaraysteen inay ku wareejiyaan carruurtooda Al-Shabaab oo horey uga dalbatay in gacanta loo soo galiyo si ay madaaristooda waxbarashada u geeyaan.

Dad ku sugan degaanka oo diiday in magacooda la soo xigto sababo amni darteed ayaa Warbaahinta gudaha dalka u sheegay in halkaasi ay abaabul dagaal ka waddaan Maleeshiyo hubeysan oo ku sugan Miyiga degmada Xarardheere.

Al-Shabaab oo gacanta ku haya degaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyay ku cadaadinayay odayaasha qabaa’ilka inay keenaan caruurtooda si loogu tarbiyeeyo afkaartooda, waxaana jira reero ku wareejiyay ilmahooda, Sidoo kale waxa jira kuwo lagala baxsaday degaanka oo magaalooyin kale la geeyay iyo carruur la qabtay iyadoo lala baxsanayo