TOP NEWS:- Siyaasi Salaad Cali Jeelle “Waxaan xildhibaanno maahan, waa xil qasayaal”.

0

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa markii ugu horreysay wuxuu ka hadlay mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay keeneen xildhibaanno golaha shacabka ah.

Wuxuu sheegay in wax uu la yaabay ay noqotay markii mooshinka laga keenay xukuumaddan oo uu tilmaamay inuu u arko mid illaa hadda aan lahayn wax lagu dhaliilo.Waxa uu tilmaamay Jeele in xildhibaannada hadda keenaya Mooshinka yihiin kuwo aan dalka nabad u rabin, sidoo kalena aan tixgelin rabitaanka shacabka.
Sidoo kale xildhibaannada mooshinka wada ayuu sheegay iney yihiin kuwo u jooga oo kaliya iney laaluush ama wax lamid ah qaataan.

“Waxaan xildhibaanno maahan, waa xil qasayaal, waayo ma rabaan in hadda dalkaan isbedal ka yimaado, waxaana mar walbo yihiin kuwo mooshin iyo wax aan loo joogin keena, sidaasi darteed waxaanba oran lahaa kuwan dad ma matalaan” ayuu yiri Jeelle.

Waxaa jira xildhibaaanno mooshin ka keenay xukuumadda Kheyre, wallow tiradooda aad u yar tahay.