TOP NEWS:- R/wasaare Kheyre oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Itoobiya.

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo noqonaya safarkii labaad oo uu ku tago muddo bil gudahood.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka qeyb galaya shir ay leeyihiin Midowga Afrika, kaasoo looga hadlayo arrimo kala duwan.

Shirka Midowga Afrika ayaa sanadkiiba labo mar la qabto sida bilaha Janaayo iyo Jul, iyadoo sida caadada ah shir madaxeedka uu ka dhaco magaalada Addis Ababa, halka shirka labaad uu magaalo kale ka dhaco.

Hase ahaatee shirka July ee Midowga Afrika ayaa lagu waday in lagu qabto magaalada Kigali ee dalka Rwanda, balse loo soo wareejiyay Addis Ababa.

Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta Ururka Midowga Afrika iyo bajadka uu ku shaqeynayo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqsaday shirkan oo la sheegay inuu horay ugu cudur daartay.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ku aaday Addis Ababa ayaa noqonaya kii labaad uu ku tago dalkaas, sidoo kale waa safarkii saddexaad ee uu dibadda ugu ambabaxo, tan iyo markii xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay dhamaadkii bishii February.