TOP NEWS:- Qarax Xoogan oo ka dhacay magaalada Dimishiq ee Dalka Suuriya.

0

Telefiishanka dalka Syria ayaa ku waramay in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala bartilmaameedsaday barxadda Taxriir ee ku taalla Dimishiq maanta oo Axad ah, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan sideed qof, sidoo kale waxaa dhaawacmay tobanaan kale.

Guddidda dusha kala socda xiisadaha ka taagan dalka Syria ayaa sheegay in dhimashadu ay haatan kor ugu kacday illaa 12 qof.

Ciidamada ammaanka Syria ayaa sheegay inay beegsadeen saddex gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey halkay ay labo kalena mida ku burburiyeen goobta laga soo galo magaalada ka hor intii aanay waxyeello geysan.

Gaariga saddexaad ayaa isku qarxiyey Taxriir Square ka dib markii la hareereeyey.